U bood dhigaalka

Sh/dhexe: Ciidamada Ammaanka Oo Qaadey 26 Isbaaro

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku guuleystay in la qaado Isbaarooyin yaallay degaanno ka tirsan gobolkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, Axmed Meyre Makaraan ayaa socdaal uu ku bixiyay degmada Warsheekh iyo degaanno hoostaga kadib waxaa la qaaday isbaarooyin gaadiidka lacago aan sharci ahayn lagaga qaado.

Ciidamada dowladda ayaa isbaarooyinka ay qaadeen waxay gaarayaan 26, waxaana laga qaaday Warsheekh iyo deegaanno dhowr ah oo degmadaasi hoostaga.

Guddoomiye Mayre waxa uu sheegay guddoomiyaha in ay la dagaallami doonaan shaqsiyaadka caadeystay iney jidgooyooyinka dhigtaan guud ahaan deegaannada Shabellaha Dhexe.

“Waxaan la dagaallami doonnaa cid walbo oo isbaaro u dhiganeysa dadka shacabka ah, waxaan qaadnay 26 isbaaro kuwa kale ee harsanna waan qaadi donna, shacabka Shabellaha Dhexe waxay u baahan yihiin in si nabad ah ay ku maraan deegaannadooda” ayuu yiri guddoomiyaha Shabellaha Dhexe.

Dhanka kale guddoomiye Mayre ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay dhowaan qaadi doonaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo uu sheegay iney yaallaan isbaarooyin badan.

Muddooyinkii dambe waxaa darawallada kaxeeya gaadiidka ku safra gobolka Shabeellaha Dhexe ay aad uga cabanayeen lacago wadada looga qaato oo malleeshiyaadka hubeysan ay isbaarada u taallo.

Goobjoog News