U bood dhigaalka

Sheekh Bashiir: Abaarta Dalka Ka Jirta Wey Sii Ballaaratay

Sheeko:Dalka

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo kamid ah guddiga abaaraha heer Qaran ayaa sheegay in abaarta dalka ka jirta ay tahay mid baahday, taas oo sabab u noqotay in dad iyo duunyo ay ku baaba’aan.

Waxa uu sheegay Sheekh Bashiir in meelaha ugu badan ee abaaraha ka jiraan ay ka taagan yihiin dhibaatooyin xagga Bini’aadannimada ah, guddiga abaarahana ay wadaan sidii dadkaasi loo samatabixin lahaa.

“Baaxadda abaarta wey ballaarantahay meel walba wey gaartay, dadkii bay saameysay, xoolihii bay saameysay, wax walbo ayeey saameysay baa la oran karaa, waxaa intaa kuu dheer cudurro ayaa dillaacay, haddii ilaahay la baryo, loo tukado, la tuuko si uu dhibkaan nooga qaado, waxaan rajeyneynaa in ilaahay dhibka naga qaado”

Sheekh Bashiir ayaa sheegay in ka guddiga ahaan ay uruuriyeen lacago badan, taasi oo lagu caawinayo dadka abaarta haysato, isaga oo tilmaamay in lacago kale ay ka filayaan ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo tilmaamay in cid walbo looga baahan yahay iney caawiso umadda Soomaaliyeed.

“Guddigu wuu dadaalayaa, annagu dhowr shaqo baan isku wadnaa, waxaan wadnaa inaan uruurinno lacagta taburacaadda ah, inaan xogta uruurinno, in lala xiriiro dadka ay quseyso ha ahaato dowladdeena ama dowladaha kale ee caalamka, lacag shacabka dhankiisa ah wey nasoo gaartay waxna waan bixinnay waxna hadda ayaan uruurineynaa” ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Bashiir.

Abaarta dalka ka jirta ayaa gallaafatay nolosha dad iyo duunyo, waxaana socda dedaallo la sameynayo si loo badbaadiyo dadka kale ee la il daran abaarta.

Goobjoog News