U bood dhigaalka

Sheekh Bashiir Axmed Salaad “Iiraan Wax Walbo Oo Ay Dalka Ka Waddo Waxay u Adeegsaneysaa Shiiceyn”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dowladda Iran ay dalka ka waddo Shiiceyn, islamarkaana waxa uu shacabka uga digay wax walba oo dowladdaasi waddo inay ku degdegaan.

Waxa uu sheegay in Iran ay dalal badan oo caalamka ka mid ah ay ka billawday sidii ay ugu baahin lahayd Madhabka shiicada.

“Shiiceynta waa arrin caalamka oo dhan ka socota, dowladda Iran baana wadata iyadoo isticmaaleysa awoodaheeda, dhaqaaleed, Military, iyo middeeda siyaasadeed ayeey madhabkaasi fidineysaa, meello badan bay ka hirgelisay oo dhibaatooyin ka abuurtay dadkii jiray ee Sunnada ahaa ayeey shiico ku dhex abuurtay dilkii billawday illaa hadda waa uu socdaa, Ciraaq iyo Lubnaan ayaa Shiico lahaan jiray dad wada nool bay ahaayeen laakiinse Iran waxay keentay in shiicada iyo Sunnada is dhameeyaan bay keentay, meeshii aysan jooginna waxay ku beeraysaa Shiico” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Sheekha oo la weydiiyay sida loo garan karo dadka dalka ka wada shiiceynta iyo qaabka ay u fidinayaan ayuu sheegay in ay iyagu is qariyaan oo ay sheegtaan waxyaabo badan oo aysan ahayn.

“Wax walba ayeey u adeegsanayaan sida gargaarka, caawinaadda iyo wax la mid ah, Soomaalida waxay ku fahmi karaan wax Iran waddo isaga dheeraaw, waa inaan qaadannaa qaacidadaasi, wax ay yaqaanaan malahan, meel walbo oo ay galaan wey gubaan” ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Bashiir.

Ugu dambeyn Sheekha ayaa ku baaqay in dib looga fiirsado joogitaanka Iran ee dalka, islamarkaana il gaar ah lagu hayo wax walba oo ay dalka ka waddo.

Qoraal dhawaan kasoo baxay hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA ayaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen kusoo qabteen dad magaalada Muqdisho ka waday faafinta madhabka Shiicada.

Goobjoog News