U bood dhigaalka

Sheekh Caan Ah Oo Lagu Diley Wanlaweyn Iyo Dibadbaxyo Maanta Dhacay

Sheeko:Amniga

Macallin Nuur Cismaan Bilaal oo ka mid ahaa culimada ugu caansan degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa lagu diley hoygiisa ku yaalla degmadaasi.

Goob joogayaal ayaa sheegay in askar ka tirsan dowladda federaalka ay dilkaasi ka dambeeyeen, islamarkaana lama oga sababta ay u dileen Sheekhan.

Shacabka degmada Wanlaweyn oo ka carreysan dilkaasi ayaa durba sameeyey dibabax xooggan oo arrintan uga jawaabayaan.

Ma jirin wax ganacsi ah oo maanta ka jiray guud ahaan degmada Wanlaweyne, iyadoo dibadbaxayaasha ay ka codsadeen dowladda federaalka in lasoo qabto askartii dilka Sheekhan ka dambeysay.

Ma jirto wax war ah oo maamulka gobolka Shabellaha Hoose ka yiri dilkan iyo sidoo kale dibabadxan maanta ka dhacay degmada Wanlaweyne.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News