U bood dhigaalka

Sheekh Cumar C/qaadir “Galmudug Shaqo Kuma Leh Dagaalka Xeraale”

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha golaha talada Ahlu-sunna Waljameeca Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay Xeraale ay mas’uul ka yihiin garabka kale Ahlu-sunna ee la baxay maamulka Gobollada Dhexe.

Sheekh C/qaadir ayaa sheegay in danta laga lahaa weerarka Xeraale ay tahay oo kaliya in maamulka gobollada dhexe ay gor gortan kula galaan maamulka Galmudug waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Duulaanka Xeraale waxaa mas’uul ka ah maamulka la magac baxay gobollada dhexe, hoggaamiyahooda ayaa yiri Xeraale hala soo qabto oo Galmudug ayaan awood qeybsi kula galeynaa maadaama aan wadahadal kula jirno” ayuu yiri Sheekh Cumar.

Dhanka kale, guddoomiyaha golaha Talada Ahlu-sunna mar uu ka hadlay hadal kasoo yeeray garabka Dhuusamareeb ee ah in dagaalka ay Galmudug ka dambeyso ayuu sheegay in waxbo kama jiraan ay tahay arrintaasi.

“Galmudug shaqo kuma lahan dagaalkaan, waa rag kasoo duulay Dhuusamareeb iyo sidoo kale shacabk deegaankooda difaacanaya, iyaga ayaa hal ku dhig ka dhigtay mooyee waxbo kama jirto arrintaasi” ayuu yiri Sheekh Cumar.

Xeraale waxaa ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Ahlu-sunna iyo ciidamo deegaan taabacsan maamulka Galmudug, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Goobjoog News