U bood dhigaalka

Sheekh Cumar Sheekh Cabdiqaadir “Ahlu-sunna Kama Mid Ahan Dhinacyada Ku Dagaalamaya Gal-gaduud" (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

ahluGudoomiyaha golaha Talada Ahlu-sunna Waljameeca Sheekh Cumar Sheekh Cabduqaadir ayaa sheegay in dagaalada ka socda gobalka Gal-gaduud aanay wax shaqo ah ku lahayn ciidamada Ahlu-sunna ee gobalkaasi ku sugan.

Dagaaladii ka dhacay degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayuu sheegay in uu u dhaxeeyo dad deegaanka wada degan oo arimo kale isku haysto, isaga oo tilmaamay in ay aad uga xunyihiin dagaalka socda.

“Waan ka xunnahay dagaalka socda, mana ahan wax ku lug leh Ahlu-sunna, mida kale ma jirto dowlad iyo Ahlu-sunna oo dagaalamay, Ahlu-sunna ciidankeeda meelihii loogu tala galay ayeey joogaan, mana jirto qeyb ahlu-sunna ah oo dowladda raacday, dagaalkaan ma aan gelin, mana u soconno” ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Talada Ahlu-sunna Waljameeca.

Sheekh Cumar Sheekh Cabdiqaadir ayaa ku baaqay in dagaalkaan la joojiyo, islamarkaana wax walba lagu dhameeyo miiska wada hadalka, isaga oo dhanka kale tilmaamay in aanay u dul qaadan doonin in la bur buriyo nabadii mudada ay wadeen iyo sidoo kale in shacabka la barakiciyo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dagaalo ayaa dhawaan ka bilawday degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, kaa oo wararka ay sheegayeen in uu u dhaxeeyo ciidamo ka kala tirsan dowladda Federaalka iyo Ahlu-sunna Waljameeca.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News