U bood dhigaalka

Sheekh Daad: Abaarta Puntland Way Ka Sii Dartay

Sheeko:Dalka

Abaaraha ka jira degaannada Puntland oo weli dhibaato ku haya dadka iyo duunyada ku dhaqan degaanno badan.

Sheekh Axmed Yuusuf Daad oo kamid ah guddiga abaaraha ee Puntland ayaa caawa u sheegay Goobjoog News in xaalado aan wacneyn ay ka jiraan degaanno badan oo kamid ah waqooyiga gobolka Mudug, Bari, Nugaal iyo Sool.

Waxa uu sheegay in weli dadku aynaan helin gurmadkii ay u baahnaayeen, isagoo farta ku goday in hal malyan oo Puntland abaaraha ugu yaboohday gacantooda uusan soo gelin oo ay ka sugayaan.

“Abaaro xooggan baa weli ka jira degaannadan Puntland kuwa ugu daran waa Bari, Nugaal, Sool iyo dhulka howdka ah runtii dadku aad beey u dhibaateysan yihiin, ka culumo ahaan gurmadka waan wadnaa waxaana sugeynaa dhaqaalihii maamulku uu ballan qaaday, waxaa jirta meelo Mudug kamid ah oo aad u daran oo hadda aan kormeer ku wadno” ayuu yiri Sheekha.

Ugu dambeyn waxa uu ku baaqay Sheekha in loo gurmado guud loo sameeyo dadka ay abaaraha saameeyeen.

“Marka aan isku naxariisanno buu Ilaahey inoo naxariisanayaa, waxaan leeyahay dowladdii federaalka oo ku mashquulsan doorashooyin bal ha soo eegto dadka shacabka ah ee abaarta u dhimanaya, waxa weeye hoggaan cadaalad ah beey Soomaaliya rabtaa oo ka daqnada dhibaatada iminka ay dadku ku jiraan” ayuu yiri Sheekh Axmed Daad.

Hadalka guddiga gurmadka abaaraha Puntland ayaa ku soo aadaya iyadoo weli kumanaan qoysas ah ay la daalaadhacayaan xaalado adag oo dhanka nolosha ah.

Goobjoog News