U bood dhigaalka

Sheekh Fanax “La Igama Qaadin Xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee K/galbeed” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Sheekh Axmed C/laahi Fanax, guddoomiyaha maxkamadda sare ee K/galbeed, shalayna ay golaha garsoorka ee maamulkaasi sheegeen in xilka ay ka qaadeen ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, ku sheegay in arrintaasi sharci darro ay tahay.

Wuxuu tilmaamay in maalmihii ugu dambeeyay ay socdeen dicaayad ku aadan in isaga xilka laga qaaday, wuxuuna sheegay in sababihii Baydhabo uga soo tagay ay tahay weerar isaga lagu qaaday.

Golaha adeegga Garsoorka ayuu sheegay in aanay xaq u lahayn in isaga ay xilka ka qaadaan.

Dhanka kale, waxaynu wax ka weydiinnay sababta ku kalliftay inuu shaqadii maxkamadda sare usoo wareejiyo degmada Afgooye, wuxuuna tilmaamay in Baydhabo uu ku shaqeyn waayey oo saraakiil iyo ciidamo ay weerar kusoo qaadeen, xaqna uu u leeyahay in howlaha maxkamadda u raro deegaan walbo oo K/galbeed ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News