U bood dhigaalka

Sheekh Nuur Baaruud “Dowladda Soomaaliya Waxaan u Sheegaynaa Howshii Aan Haynay In La Dhaawacayo”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad carqalad ku haya howshii gurmadka ahayd ee loo waday Soomaalida ku sugan dalka Yemen.

Waxa uu carabka ku dhuftay Qunsulka Soomaaliya u fadhiyay Magaalada Cadan iyo shaqsiyaad kale, in markabka ay ku abuureen qalqal islamarkaana ay waceen Yemen oo ay u sheegeen in Markabka aan lasoo rarin, ayna ku dhamaadeen dad shacab ah oo uu horay markabka usoo qaaday.

Sheekh Nuur waxa uu sheegay hadalkaasi ay baahiyeen mas’uuliyiintaasi in dhibaato weyn ay ka mareen ka guddi ahaan sidii ay ku beenin lahaayeen, ayna qoreen warqado ay ku beeninayaan in Markabka Nawaal 3 ay dad ku dhinteen, sidoo kalena waxa uu sheegay in maxkamadaha ugu sareeya Boosaaso laga qoray warqado cadeymo oo sidaan oo kale ah.

“Waxaa arrin laga xumaado ah, Labadii Nin ee Qunsulka iyo midkii kale la socday iyadoo aan Markabka kasoo reebnay oo ay joogaan Xamar, hadana ay halkaan dagaal adag ka wadaan oo ay la xiriireen Yementii joogtay Mukalla oo ay dhaheen Markabkaas mar kale hasoo rarina 10 qof ayaa dhimatay 70 qof ayaa Isbitaal yaalla, iyaga oo raba in ay carqaladeeyaan howsha uu guddiga wado, waxaana laga yaabaa in ay dowladda u tagaan oo si kale wax ugu sheegaan oo ay iska dhigaan niman wax soo qabtay, laakiinse arrintaasi waa laga daba tagi, khasaaraha ay leedahay Markabkii nin Soomaali uu ku yaboohay in lasoo rari waad ogtihiin, Soomaalidii lasoo rarayay ayeey dhaawac weyn u tahay, dowladda Soomaaliya waxaan u sheegaynaa in howshii aan haynay dhaawac weyn ay nimankaasi u geysteen, waxay nagu kaliftay in aan warqado u qorno Yementii, Maxkamadaha ugu sareeya Boosaasana warqado lagu cadeynayo in warkaasi been yihiin la sheego, Insha Allah weyna ceeboobi doonaan” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.

Gudoomiyaha guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ugu dambeyn sheegay in ka guddi ahaan ay ka go’an tahay inay dardar geliyaan howsha ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana aysan dheg jalaq usiin doonin wararka been abuurka ah ee ay faafiyeen shaqsiyaadka uu kor kusoo sheegay.

Markabka Nawaal 3 waxaa ku yaboohay ganacsade Soomaaliyeed, waxaana dad ka badan 2 kun oo qof kasoo qaaday dalka Yemen, iyadoo caawana uu ku xiranayo dekadda Mukalla si loo soo daabulo Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed oo halkaasi ku sugan.

Goobjoog News