U bood dhigaalka

Sheekh Nuur Baaruud “Howsha Loogu Gurmanayo Soomaalida Yemen Wey Soconaysaa”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha guddiga badbaadinta iyo samatabixinta qaxootiga Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sheegay howsha gurmadka ah ee loogu jiro shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibban Yemen lasii wadi doono, islamarkaana wejiga Labaad ee howlgalka Badbaadinta loo diyaar garoobayo.

Sheekh Nuur ayaa u mahad celiyay cid walba oo ka qeybqaadatay howlaha gurmadka gaar ahaan, ganacsadihii markabka ku yaboohay Wariyayaasha Goobjoog ee Markabka dul saarnaa, dhaqaatiirtii Markabka la socotay, iyo guud ahaan shaqaalaha Markabka Nawaal Seddax.

Dhinaca kale Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa tallaab wanaagsan ku tilmaamay doorkii maamulka Puntland iyo guddiga Boosaaso ka qaateen soo dhaweynta shacabka Soomaaliyeed ee Yemen ka imaanayay.

Shalay ayaa waxaa lasoo gabagabeeyay wejiga 1-aad ee howlgalka badbaadinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen, waxaana loo diyaar garoobayaa wejiga Labaad ee howlgalkaasi.

Goobjoog News