U bood dhigaalka

Sheekh Nuur Baaruud Oo Ka Warbixiyay Qaabkii Uu Uga Badbaaday Weerarkii Hotel Saxafi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa dadkii deganaa Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa ka sheekeeyay qaabkii uu shaqsi ahaan uga badbaaday weerarkaasi iyo waxyaabihii uu maqlayay kahor inta aan halkaasi laga soo wadin.

Waxa uu sheegay in isaga uu ka war helay qarax xooggan oo dhacay abaare 12-kii subaxnimo oo dhiman qaddar 20 daqiiqo ah (05:40 AM), islamarkaana ay u xigtay rasaas aad u xoogan.

Sheekh ayaa sheegay in isaga uu hoosta kaga xirnaa qolkiisa, islamarkaana ragii ka tirsanaa Al-shabaab ee weerarka qaaday ay billaabeen in rasaasta ay ka ridaan meel aan ka fogeen Albaaba qolka Sheekha uu deganaa.

Waxa uu tilmaamay in uusan is gelin wax argagax ah, islamarkaana uu billaabay inuu Allah baryo, muddo Afar saac ahna uu qolkiisa ku dhex jiray.

“Anigu lafahayga waan u badbaaday, imana qaban iyagu, mana i arag, waan isku dhaweyn hadalkooda waan maqlayay, qolkeyga albaabkiisa ayeey ka dagaallameen, laakiinse tan rabbi ayaa ka weyn, Afar Saac mar ay ahayd ayaa meesha la’iigu yimid oo la i bixiyay, aniga waxaan ku kalsoonahay in aan dhimanayo hadii xagga rabbi ay kasoo dhamaato, hadii maalin iiga dhiman tahayna aanay nimankaasi waxba iga qaadeyn, cabsi ma aan dareemaynin, sababtoo ah qaddarka Allah ayaan ku kalsoonahay, intaan iska fariistay sariirta hoosteeda, ayaan ku tiirsaday muddo Afar Saac ah, ilaahayna waan baryay, waxyaabaha aan ilaahay weydiistay waxaa ka mid ahaa, ilaahayow nimankaan dagaal baan kula jiraa, hadii aad dagaalkeyga raali ka tahay nimankaan inaan lasii dagaallmo ayaan rabaa oo aan dhiman, hadii ay ii dhamaatayna waxba kama qabo, marka ilaahay ayaan baryayey, kalsooni badanna waan qabay, midda kale sokortayda iyo dhiigga waxba iguma kicin” ayuu yiri Sheekh Nuur.

Dhinaca kale Sheekh Nuur ayaa inoo sheegay in uu maqlayay qeylada dadka shacabka ah, sida haweeney iyaga baryeeysay iyo sidoo kale nin Ash-haadanayay.

Rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Riix halkaan si aad u dhageysato wareysiga Sheekh Nuur Baaruud

Goobjoog News