U bood dhigaalka

Sheekh Nuur Baruud “Marqaati Baan Ka Nahay Wax Qabadka Goobjoog”

Sheeko:Dalka

Sheekh Nuur Baruud “Marqaati Baan Ka Nahay Wax Qabadka Goobjoog”

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah gudoomiyaha guddiga Badbaadinta iyo samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed oo goor dhaw ka hadlay Munaasabadda Seddax Sano Guuradii kasoo wareegtay aas aaska Goobjoog ayaa qiray in mudadii ay dhisneyd Idaacadda in ay wax badan qabatay.

Waxa uu sheegay in iyaga ay marqaati ka yihiin wax qabadka Goobjoog, islamarkaana ay Idaacadda tahay mida kaliya ee Bulshada u adeegta, islamarkaana ay tahay wadani.

“Marqaati baan ka nahay wax qabadka Goobjoog, Idaacadda waxyaabo badan ayeey qabatay, waxaa ka mid ah wacyi gelinta Bulshada, sidoo kale Goobjoog anaga oo aan kicin ayeey bilawday Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar oo inaga xitaa ayada ayayeey nasoo jeedisay, idaacadoodii ayeey noo fureen xilli walba, iyaga xitaa taakulo ayeey bixiyeen, mar walbana Gurmad iyo Gargaar toos buu idaacadda uga socdaa, waxaa waliba Markabka Nawal Seddax saaran Wariyayaal ka tirsan Goobjoog News” ayuu yiri Sheekha.

Sheekha ayaa ugu dambeyn ku baaqay in Idaacadda Goobjoog la siiyo billad qaran, maadaama ay umadda Soomaaliyeed wax badan u qabatay.

Idaacadda Goobjoog ayaa maanta u dabaal degaysa Sanad guuradii Sedaxaad markii Idaacadda ay hawada kusoo biirtay.

Goobjoog News

Mar Walba u Daacad Ah Dadweynaha