U bood dhigaalka

Sheekh Shaakir “Dowladda Hanagu Hoggaamiso Dagaallada Ka Dhanka Ah Al-shabaab”

Sheeko:Amniga

Sheekh Maxamed Shaakir, Madaxa xukuumadda Galmudug ayaa sheegay in Ahlu-sunna yihiin kuwa kaliya ee sida daacadda ah ula dagaallamay Al-shabaab.

Wuxuu sheegay Shaakir in dowladda dhexe looga baahan yahay iney ku hoggaamiso dagaallada Al-shabaab si dalka oo dhan looga saaro.

“Ahlu-sunna Waljameeca waa cidda kaliya ee Al-shabaab la dagaallantay, deegaanno badanna ka xoreysay, mowqifka Ahlu-sunna Waljameeca waa in lala dagaallamaa nimankaan oo wadanka laga suuliyo, wadanka lagu soo celiyo amni, dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqeynaa iney nagu hoogaamiso ayna u aqoonsato culimada Soomaaliya iney yihiin, culimadaa dadka u damqaneysa” ayuu yiri Shaakir.

Ahlu-sunna Waljameeca ayaa dagaallo adag waxay lasoo gashay Al-shabaab, waxaana ay ka qabsadeen deegaanno badan oo gobollada dhexe ah.

Goobjoog News