U bood dhigaalka

Sheekh Shaakir: Koonfur Galbeed Waa Galmudug, Galmudugna Waa Koonfur Galbeed, Soomaaliyana Soomaalibaa Leh

Sheeko:Dalka

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah madaxa xukuumadda Galmudug oo goordhow ka Jawaabayey arrin ku saabsan in Dhuusamareeb laga musaafurinayo dadka u dhashay Koonfur galbeed ayaa sheegay iney been iyo waxbo kama jiraan tahay .

Sheekh Shaakir oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri” Hadalkaas waa hadal been abuura ah Koofur galbeed waa Galmudug Galmudugna waa Koofur galbeed Soomaali weeye, Soomaaliyana Soomaalibaa leh meel kastoo ay joogaan ayeey ku noolanayaan, Soomaali waa mid afkaas Soomaaliga ayaa kawada dhexeeyo”

Sidoo kale Sheekh Maxamed shaakir oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay googoynta dadka Soomaaliyeed ay tahay mid dano gaar ah laga la leeyahay lakiin aysan aheyn mid marna suuragal ah in ay dhacdo” Kala googoynta lakala goynayo waa wax dano gaar ah laga lahaa, inaan lagu guuleysan ayaan rajeynaa, Soomaaliya horumarkeedii iyo muwaafaqadeedii inay horay ugu tilaabsato ayaan rajaynaynaynaa”

dhanka kale sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in dhamaan maamulada iyo dowladda dhexe ay ka midaysan yihiin in dalka oo dhan gacanta dowladda uu soo galo ayna ka go,an tahay.

Goobjoob News