U bood dhigaalka

Sheekh Shaakir Oo Sheegay In Dhuusa-mareeb Ka Dhici-doono Shir-weyne Dib-u-heshiisiin

Sheeko:Dalka

Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir ayaa sheegay in maalmaha soo socda lagu qaban-doono Dhuusa-mareeb shirweyne dib u heshiisiin oo dhex mari-doona maamulkii Galmudug iyo Ahlu-sunna

Sheekh Axmed Shaakir  oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri” Kulankan aad iyo aad u qiimaha badan ee ka dhacaya caasimaddan gobolada dhexe ee Galmudug ee aan rajeyneyno labadii maamul ee gobollada dhexe ka jiri jiray maalmaha soo socda hal miis ay kuligood wada fariisan-doonaan, midoobi-doonaan, gacmahana is-qabsan-doonaan, ayadoo ay ka soo qeyb-galayaan beesha caalamka, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaan rajeynayaa in aad u diyaar-garowdeen sidii aad u soo dhoweyn laheydeen, u marti-gelin laheydeen shir-weynaha soo socda oo ay ka soo qeyb ka galaan madaxda maamullada’.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hadda ku sugan Galkacyo isaga oo halkaasi ka wado dib u heshiisiin Galmudug iyo Puntland ah, waxaa lagu wadaa in Dhuusa-mareeb uu ku soo gabagabeeyo dib u heshiisiin kale oo dhex-marta Galmudug iyo Ahlu-sunna, laguna mideeyo labada maamul si kama dambeys ah.

Goobjoog News