U bood dhigaalka

Sheekh Shaakir: Shacabkeena Ayaan U Tanaasulnay

Sheeko:Amniga

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo goor dhow warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay u tanaasuleen shacabka ka dib shaqaaqooyin ka dhacay qeybo ka mid ah Galmudug.

“Waxaan halkan ka cadeynaynaa in dhibaatooyinkii ka dhacay caasimadan in aan go’aansanay in aan soo afjarno oo dadka shacabka ah aan u turno oo aan ilaalino taas daraadeed ayaan waxaan u sameynay tanaasulay aan u tanaasulnay shacabkeena” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Dhanka kale Sheekh Maxamed Shaakir ayaa hoosta ka xariiqay in ciidankii ku sugnaa xarunta Inji ay ku wareejiyeen Generaal Mascuud oo ah taliya taliska 15-aad ee qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga, waxa uuna tilmaamay in amaankooda iyo wixii kale oo ay u baahdaan uu damaanad qaaday taliye Mascuud.

“Generaal Macuud in uu la wareego ciidankii halkan joogay kabacdina masuuliyadda amniga dadka masuuliyiinta ah oo mashaa’ikhda ah uu masuul ka yahay oo uu ilaalinayo matalanba ilaalinta amnigooda ha noqoto ama ha noqoto wixii kale oo ay dadka u fulin jireen” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Shaakir.

Hadalka Sheekh Shaakir ayaa ku soo aadaya xilli shaqaaqo ay ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlu sunna ku dhexmartay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Goobjoog News