U bood dhigaalka

Sheekh Shariif: Al Shabaab Maanta Magaalada Muqdisho Iyaga Ayaa Ka Taliya

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dad Soomaaliyeed kula hadlayay magaalada London ayaa dowladda ku dhaliilay in aysan ka talin magaalada Muqdisho taa badalkeedana ay magaalada maamulaan Al Shabaab isaga oo arrinkaasina u cuskaday in Shabaab ay canshuur ka qaadaan ganacsatada qaar ka mida hey’adaha dowladda.

“Shabaab maanta magaalada Muqdisho iyaga ayaa ka taliya dowladdu magaalada kama taliso xaqiiqda taas waaye canshuur ayay ka qaadaan ganacsatada bal hey’adaha dowladda ugu muhiimsan ayay canshuuraan” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay qarash ku bixiso sidii dad loo aflagaadeyn lahaa.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri “Dowlad iyada dadka caaynaysa oo xoolihii qaranka ku bixinaysa in dad la caayo dowladdu waxaan rabnaa in ay ka shaqeyso wixii loo wakiishay waxaa loo wakiishay ummadda in ay mideyso, aminga ka shaqeyso iyo in dhaqaalaha la hormariyo taas ayaa loo wakiishay”

Dhanka kale Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka dalka isaga oo xusay in haddii la rabo doorasho loo baahanyahay in ay jirto isfaham siyaasadeed iyo mid xasilooni

“Doorasho marka la rabo in la sameeyo waa sifaham siyaasiya in uu jiro waa in ay jirto xasilooni doorasho lagu qaban karo doorasho qof iyo coda haddii la qabanayo dalka waxaa loo baahanyahay in nabad laga dhigo iyo in dadka la isku keeno” ayuu ka dhawaajiyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa eedeymo kala duwan u jeediya dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News