U bood dhigaalka

 Sheekh Shariif Iyo James Swan Oo Kawada Hadlay Doorashada Galmudug

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire James Swan kala hadlay xaalada cakiran ee ka taagan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Kulanka labada masuul ayaa ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyaga oo isla soo hadal qaaday doorashooyinka ku soo wajahan dalka, si gaara waxa ay uga wada hadleen doorashada maamulka Galmudug oo wali sal fadhisa aan yeelan.

Sidoo kale Sheekh Shariif iyo James Swan waxa ay isla garteen in doorashada Galmudug ay noqoto mid loo dhanyahay oo aan lagu deg degin.

Dhinaca kale labadan masuul ayaa soo hadal qaaday muhiimada ay leedahay in la xaliyo islamarkaana la wanaajiyo xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka.

Waxaa isi soo taraya baaqyada loo jeedinayo dowladda Federaalka oo ku aadan in aysan dhisin Galmudug gacan ku rimis ah.

Goobjoog News