U bood dhigaalka

Sheekh Shariif oo Baaq u Diray Beelaha Ku Dagaalamaya Jubbaland iyo Koonfur Galbeed

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya haddana ah guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran ayaa waxa uu baaq nabadeed u diray dadka ku dagaalamaya maamulada Jubbaland iyo Koonfur galbeed, isaga oo ugu baaqay in si shuruud la’aan ah ay u joojiyaan colaadda waxkastana wadahadal lagu dhameeyo.

“Walaalaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamay deegaanada ka kala tirsan maamulada Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxaan ugu baaqayaa inay colaadda shuruud la’aan ku joojiyaan, wax kastana oo tabasha ahna wada hadal iyo is qancin lagu dhameeyo” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dhinaca kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxda, odoyaasha dhaqanka iyo guud ahaan qeybaha bulshada maamulada Jubbaland iyo Koonfur galbeed  in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaalladaas ahliga ah, waxa uuna intaas ku daray in iyaguna ay ka qeyb qaadaan doonaan.

“Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa madaxda, odoyaasha dhaqanka iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee Jubaland iyo Koonfur Galbeed inay u istaagaan sidii dagaalladaas ahliga loo joojin lahaa, annagana waxaan diyaar ula nahay inaan ka qayb qaadanno oo aan gacan ka siinno nabadeynta dadka walaalaha ah bi’idnillaah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha maasha xisbiyada qaran.

Ugu dambeyn waxa uu dowladda federaalka ugu baaqay in ay qeyb ka noqoto dadaal kasta oo looga hortagayo colaadaha dalka ku soo noqnoqday.

“Ugu dambeyntiina Dowladda Federaalka waxaan ugu baaqeynaa in ay qayb ka noqoto dadaal kasta oo looga hortagayo colaadaha soo noqnoqdey ee aafeeyey dalkeenna” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Shariif Sheekh Axmed.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa dagaallo kala duwan oo ku salaysay qabiil ay ka socanayeen gobalada Jubbada hoose iyo Shabeellaha hoose, waxaana degmada wanlaweyn laga soo sheegayaa xaaladihii ugu darnaa ee dagaalka u dhaxeeya beelaha degmadaasi wada dega.

Goobjoog News