U bood dhigaalka

Sheekh Shariif Oo Lagu Xayiray Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wefdi uu hoggaaminayey ayaa saacado ku xayirnaa groonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Ilo ku dhow wefdiga Sheekh Shariif ayaa inoo xaqiijiyey in loo diiday inuu u safro magaalada Kismaayo, halkaas oo lagu wado in ay ka dhacdo munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxaa fashilmay dedaallo badan oo lagu doonayey in Sheekh Shariif ku aaddo magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ka yimid dalka Turkiga, isaga oo markii la xayirayey isku diyaarinayey aadista Kismaayo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xayiraad dhanka duulimaadka ah kusoo rogtay Kismaayo, kadib doorashadii madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada