U bood dhigaalka

Sheekh Shariif Sheekh Cabdi Nuur Oo Geeriyoodey, Akhriso Taariikhdiisa

Sheeko:Dalka

Waxaa Magaalada Mekka ku geeriyooday Sheekha Caanka ah ee Sheekh Sharif Cabdi Nuur Sharif Xasan, culimo uu ka mid yahay Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa Goobjoog News kala hadlay Taariikhda Sheekh.

Sheekh Sharif Cabdi Nuur waxaa uu ku dhashay dhulka Soomaali galbeed, yaraantiisii waxaa uu waxaa uu xer ku ahaa dhulkaas Jigjiga iyo Harar, waxaa kale oo wax ku bartay Jaamacado iyo Macaahidda ku yaalla Masar iyo Sacuudiga.

Sharif Cabdi Nuur markii uu Azhar ka soo laabtay waxaa uu wax ka akhrin jiray masaajidyo Muqdisho ku yaallo isaga oo akhrin jiray Kutubta Bukhaari, Buugu Maraam, Tafsiir, Towxiid, Naxwaha, Sarfiga, Usuul, Balaaga, Xafiis, Fiqhi iyo culuum kale, waxaa kale uu bare ka ahaa Jaamacadda Lafoole.

Dagaalladii kadib, Sharif Cabdi Nuur waxaa uu shil ku galay inta u dhaxeysay Muqdisho iyo Afgooye, dhaawac ayaa halkaas ka soo gaaray, kadib waxaa uu tagay Sacuudiga halkaas uu deganaa magaalada Maka gaar ahaan Xaafadda Gasaala.

Sheekh Daahir Aw Cabdi waxaa uu Goobjoog News u sheegay in marar badan uu ku soo booqday guriga uu ka degan yahay Mekka, Sacuudiga, isaga oo intaa raaciyay in Sheekh alla ha u naxariistee uu ahaa marjac iyo caalim weyn oo Soomaaliyeed, qof af gaaban isla markaana aaminsanaa Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, gaar ahaan Salafi.

Sharif Cabdi Nuur waxaa uu caan ku ahaa aqoon sarana ka gaaray Fiqhiga iyo afka Carabiga, kutubada uu qoray iyo cajaladaha laga duubay waxaa laga heli karaa dhammaan dhulka Soomaaliyeed.

2009-kii, Sharif Cabdi Nuur, Sheekh Cumar Faaruuq iyo culimo kale oo kulan ku yeeshay Sacuudiga ayaa fatwo ku soo saaray in la taageero dowladii Sheekh Sharif arrintaas oo qaar Islaamiyiinta ah ay dhaliileen.

Sheekha waxaa uu ahaa da’, waxaa la sheegaa in uu dhashay 40-tameeyadii qarnigii tagay, waxaa uu ka tagay Caruur.

Goobjoog News