U bood dhigaalka

Sheekh Shariikh oo Ka Digay In Doorashada 2020 Codeeyaan Dad Aan La Aqoon

Sheeko:Dalka, War

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dalka ahna guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran ayaa baaq u diray madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya,  isaga oo ka hadlay doorashada 2020.

Madaxweyne Shariif Sheekh ayaa sheegay in laga doonaayo in madaxda dalka ay ku dhaqmaan sharciga ayna ilaaliyaan dastuurka, waxaana uu xusay inaan loo baahneyn in waqtiga u dhiman ay ku bixiyaan  meelo aysan wax ka soo baxeynin.

Guddoomiyaha madaxshada xisbiyada qaran ayaa xusay in loo baahanyahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah, lakiin waxaa uu intaas ku daray in aysan muuqan hadda.

Madaxweyne Shariif sheekh Axmed ayaa carabka ku dhuftay in aysan macquul aheyn in doorashada laga dib dhigo waqdtigeeda, madaxda dowladdana in waqtiga in loo gordhiyo aan la aqbaleynin.

“Annaga nooma muuqato in dalkaan ay doorasho ka dhaceyso, waayo waxaa la rabaa in dad aan meel laga keenay aan la ogeyn ay codeeyaan  taasina suurtogal maahan in afar sano oo kale la iska sii joogo, waxaan rabnaa in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah ayuu yiri Shariikh sheikh Axmed “

Hadalka guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo lafilaayo in dalka ay ka qabsoonto doorasho, waxaana xusid mudan in dhawaan baarlamaanka fedraalka  uu meel mariyey sharciga doorashooyinka qaranka.

Goobjoog News