U bood dhigaalka

Sh/hoose: Beeraleyda Oo Cabasho Ka Ah Biyo Yaraanta Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Beeralayda gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay ka cabanayaan biyo yaraanta Wabiga Shabelle iyadoo xilligaan  sare u kac ku yimid qiimaha la kala siisto qudaarta.

Cali Cabdullahi oo ka mid ah beeraleyda gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Goobjoog u sheegay in  ay soo wajahaday inay qalalaan qaar kamid ah beeraha waxa uuna yiri “Waxaa jira dhibaato xagga qudaarta ah taas oo loo sababeynayo inuu guray wabiga oo biyo yareeyey waxaan qodannay ceelal hadana malahan wax naf ah, waxaa jira biyo la’aan baahsan”

Cali Cabdullahi, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xilligaan aan beeraha aysan ka soo go’in wax dalag ah taas oo sabab looga dhigay biyo la’aanta jirta.

Wabiga shabelle oo biyo-hiisa ay ku tiirsanyihiin beeralay badan  oo ku nool gobolka Shabeellaha hoose ayaa guray waxaana hoos u dhacay wax soo saarka beeraha.

Goobjoog News