U bood dhigaalka

Sh/hoose: Ciidanka Xoogga Dalka Oo Ku Wajahan Deegaanno Ay Ku Sugan Yihiin Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay iney wadaan howlgallo ay ku doonayaan iney kula wareegaan deegaanno gobolkaasi kaga sugan yihiin Al-shabaab.

Afhayeenka ciidanka xoogga dalka ee Sh/hoose, Maxamed Ciise Maxame ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay hadda diyaar u yihiin in Al-shabaab ay kala wareegaan dhammaan deegaannada ay kaga sugan yihiin Sh/hoose.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in hadda ciidanka ay si joogta ah u helaan mushaarkooda, taas oo keentay in ciidamada iyaguna ay ku dhiiradaan iney sii xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

“Ciidamada xoogga dalka waxay ku baxayaan meel walbo oo cadowga ku sugan yihiin, wax ay sugaan hadda maba jirto, mushaarkooda si joogta ah ayeey ku helaan” ayuu yiri Afhayeenka.

Ugu dambeyn, Afhayeen Ciise ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan shabellaha hoose iney la shaqeeyaan ciidamada xoogga dalka, una tilmaamaan cid walbo oo ka tirsan Al-shabaab.

Goobjoog News