U bood dhigaalka

Shiinaha Oo Ballanqaaday Suuq-geynta Kaluumeysiga Soomaaliya Iyo Arrimo Kale

Sheeko:Dalka

Wasiirka kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee JFS Cabdillahi Bidhan Warsame ayaa talaadadii kulan la qaatay safiirka dowladda Shiinaha ee u fadhiya Soomaaliya Qin Jian.

Kulanka oo ka dhacay saafaradda Shiinaha ee Muqdisho ayey dowladda Shiinaha ku ballanqaaday kala shaqeynta wasaaradda Kalluumeysiga ee Soomaaliya arrimo badan oo ay ka mid yihiin: Suuq geynta kalluunka Soomaaliya, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha, keenidda finijeerro qaboojiyeyaal ah iyo waliba dhisidda machad lagu daraaseeyo wax soo saarka kalluunka iyo kheyraadka badda ee dalka.

Sidoo kale, wasiir Cabdillahi Bidhan Warsame ayaa waxa uu booqan doonaa dhowaan dalka China iyada oo uu ujeedku yahay sidii hore looga sii ambaqaadi lahaa heshiisyadii labada dowladood kala saxiixdeen markii uu Madaxweyne mohamed Abdullahi Maxamed booqday China.

Dalka Shiinaha ayaa horay madaxweyne Farmaajo iyo wasiirro xukuumadda ka tirsan u balan-qaaday inuu ka qeyb qaadanayo dib u dhiska Soomaaliya, taasi oo ilaa hadda noqotay  mid afka ah iyo hal bacaad lagu lisay, balantan cusub lama oga waxa ay uga duwantahay kuwii hore.

Goobjoog News