U bood dhigaalka

Sawirro: Shiinaha Oo Gargaar Dhan 2,821 tons U soo Dhiibay Soomaaliya, In Ka Badan 223,500 Oo Qof Ayaa Ka Faa’idaya

Sheeko:Dalka

 Dalka Shiinaha ayaa hey’adda Cuntada Adduunka waxaa uu Soomaalida u soo mariyay gargaar banii’aadamnimo kaas oo loogu talagalay in lagu caawiyo dad badan oo abaaraha waxyeeleeyeen. 

 

In ka badan 2,821 tons oo bariis ah ayey Shiinaha u soo dhiibeen hey’adda mas’uulka ah cunta qeybinta adduunka ee WFP si dadkaasi wax loogu taro, Gargaarka oo soo maraya Maritime Silk Road waxaa uu Soomaaliya ku soo gaarayaa 35 maalmood. 

Sida ay sheegeyso WFP illaa 6 Milyan oo Soomaali ah ayaa la dhibaateysan abaaraha, 3.2 million oo dadkaasi ka mid ah waxaa ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Gargaarkan ay Shiinaha soo dhiibeen waxaa loogu talagalay illaa 223,500 qof oo ku kala nool 18-ka gobo lee Soomaaliya.

Goobjoog News

003 002 001