U bood dhigaalka

Shiinaha Oo Saldhiggiisii Ugu Horreeyay Ka Furtay Djibouti

Sheeko:Dalka

Dowladda Shiinaha ayaa waxay saldhig millatari ka furatay magaalada Djibouti ee caasimadda dalkaasi, saldhiggaan ayaa waxaa uu noqonayaa saldhiggii ugu horreeyay uu Shiinaha ka dhisto banaanka.

Saldhigga milatari uu Shiinaha ka dhistay  Djibouti ayaa waxay ka qeyb qaadan doontaa ammaanka iyo nabadgelyada marinada badda cas.

Ciidamadii ugu horreeyay oo la geynayo saldhigaan ayaa waxaa laga keenay dalka Shiinaha iyaga oo ka soo dagay Djibouti 11 June ee tagtay.

Dowladda Djiabouti ayaa waxay marti galinaysaa dowlado waaweyn, kuwaas oo doonayo in ay ka dhistaan saldhigyo millatari waxaana ka mida dowladahaas Mareykanka .

Sidoo kale ingiriiska,Faransiiska iyo Japan ayaa waxay doonayaan in ay iyagana ay ka dhistaan Djiabouti saldhiggyo millatari.

Goobjoog News