U bood dhigaalka

Shiinaha: Renny Harlin Oo Burcad Badeedda Soomaaliya Ka Sameynaya Filim Cusub

Sheeko:Dalka

Film sameeyaha  Hollywood-ka Renny Harlin,  oo horay u sameeyay Filimo ay ka mid yihiin Die Hard 2 iyo Cliffhanger, ayaa haatan waxaa uu heshiis la galay shirkad Shiinaha ah si uu Filim cusub uga sameeyo Burcad badeedda Soomaalida.

Filimkan oo loogu magac-daray Operation Somalia waxaa ku baxeysa lacag dhan ($30 million, waxaa iska kaashanaya shirkado badan sida Mythological Universe, Mailang Pictures iyo  Jindun Film & Television Center.

Sheekada Filimka waa sheeko dhab ah oo ka dhacday Soomaaliya, waa maraakiibta Shiinaha oo burcad badeedda ka bad-baadinaya afduub ay geysteen.

“Waxaa jeclahay in aan ka shaqeeyo Shiinaha, Operation Somalia waxaa riyada qof walba oo filim sameeye ah” sidaasi waxaa yiri Harlin.

Filimkan waa kii 4aad ee uu Shiinaha ku sameeyo Renny Harlin, waxaana lawada sugayaa sida ay noqon doonto sameyntiisa filim ka hadlaya burcad badeedda Soomaaliya.

Goobjoog News