U bood dhigaalka

Shikadda Facebook oo Soo Kordhisay Adeeg Cusub oo Dad Badani ay Sugaayeen!

Dadka qaar waxay aad ugu dhibaatoodaan tobonaanka qof ee saaxiibadaada ah ee soo dhigaya waxyaabo aadaney jeclaysan, hadaba ogow xalka arrintaasi dhawaan ayuu ku soo gaarayaa iyadoo aad adeegsan doonto adeeg cusub oo Facebook uu ku soo kordhiyay bartiisa.

Sida uu sheegayo wargeyska caanka ah ee dhanka teknoolojadiyadda  ‘TechCrunch‘, Facebook ayaa soo kordhiyay ‘Snooze‘ oo si ku meelgaar ah aad iskaga xayireyso waxyaabaha uu qofka saaxiibka aad tihiin uu soo dhigo ee aadan dooneyn inaad aragto, adigoo iska xayiri kara mudd 24 saac ah, isbuuc iyo bil kolba inta aad rabto.

Snooze ayaa ah xal dhexdhexaad ah oo uu leeyahay unfollow oo dhamaan wixii uu qofka soo daabaco kaa joojinayay iyo unfriend oo saaxiibtinmadii aad kala noqoneyso qofka si dhameystiran.

Barnaamijkan cusub ee Snooze ayaa hadda dad gaar ah si kumeel gaar ah loogu soo daayay halka inta kale ee harsan ee 2 bilyan ee qof korka u dhaafayna dhawaan loosoo wada dayn doono oo ay wada helayaan addeegga cusub.

Ugu dambeyn, waxaa shaki la’aan ah in adeeggan cusubi ay dadbadani ka faa’ideysan doonaan kuna farxi doonaan, gaar ahaan dadka in badan oo wakhtigooda ka mid ah ku qaata barta Facebook oo adeeggan cusub u baahnaa.