U bood dhigaalka

Shil Diyaaradeed oo Khasaare Geystay oo Ka dhacay Gobolka Bay

Sheeko:Caafimaadka

Warar ka duwan ayaa ka soo baxayo diyaarad galinkii dambe ee  maanta ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha degmada Bardaale ee gobolka Baay , ka dib markii ay ka soo duushay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Diyaaradda ayaa waxaa lahaa shirakadda Diyaaradaha ee African Express waxaana qaaday shixnado daawo  iyo qalabka laga xirto Kaneecada waxaana warar kala duwan ay ka soo baxayaan sababihii keenay in ay soo dhacdo .

Diyaaradda ayaa markii ay soo dhacaysay waxaa la socday shaqaale isugu jiray kuwo Soomaali ah iyo Ajaanib waxaana wararku ay intaas ku dayaan in  shilka diyaaradda ay ku geeriyoodeen dhammaaan dadkii saarnaa oo ahaa lix ruux oo shaqaale ah labo ka mid ah ay Soomaali ahaayeen halka afarta ruux kale ahaayeen shaqaale  Ajaanib  ah.

Wasiirka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi oo la hadlay VOA ayaa sheegay in diyaaradda ay la socdeen 6 ruux  oo labo ka mid ah ay ahaayeen Soomaali gabi’aanba ay geeriyoodeen hadda ay wadaan baaritaanno ku aadan sababaihii ka dambaysay in ay soo dhacdo diyaaradda wixii faahfaahina ay dib ka soo sheegayaan lana wadaagi doonaan warbaahinta natiijada baaritaanka.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay shirkadda diyaaradaha African Express iyo maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan sababta keentay in diyaaradda ay soo dhacdo iyo sidoo kale weli kama aysan hadlin wasaaradda gaadiidka duulista hawada dowladda federaalka Soomaalia.

Goobjoog News