U bood dhigaalka

Shil Ka Dhacay Mudug

Sheeko:Dalka

Lix qof ayaa ku geeriyoote shil gaari oo maanta ka dhacay deegaanka Gawaan ee gobolka Mudug.

Gaari weyn oo sidey Shamiinto (Sibir) ayaa ku rogmaday wadada u dhaxeysa deegaanka Gawaan iyo degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhaawacmay Shan qof kale.

Goob joogayaal ayaa sheegay in gaariga markii uu rogmanayey ku socday xawaare aad u sarreeyay.

Dadkii dhaawaca ahaa ayaa loo sameeyey gurmad degdeg ah, waxaana laga qaaday halkii gaariga uu ku rogmaday.

Darwallada kaxeeya gaadiidka ayaa inta badan xilliyada ay safarada dheer galayaan gaadiidka u wada si xowli ah.

Goobjoog News