U bood dhigaalka

Shil Khasaare Dhaliyey oo Ka Dhacay Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Waxaa warar kale duwan ay ka soo baxay shil khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, kadib markii ay isku dhaceen labo gaari.

Shilka ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen labo gaari oo mid ka mid ahaa Iskaroge siday dhagaxda guryaha lagu dhiso, halka mid kale gawaarida yar yar ee lagu adeegto.

Shilka ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn Koontaroolka laga soo galo magaalada Dhuusamreeb, goobtaas oo lagu magacaabo Qurac Shiime.

Waxaa jira khasaare ka dhashay shilka gawaarida waxaa inta la xaqiijiyey ku dhaawacmay labo ruux oo ahaa Aabe iyo gabadhiisa, kuwaas uu dhaawac culus ka soo gaaray shilka, waxaana ladhigay  isbitaalka guud ee magaalada.

Goobjoog News