U bood dhigaalka

Shil Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Gobolka Mudug

Sheeko:Caafimaadka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa shil gaari oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmada Bandiiradley ee gobolka Mudug, kaasi oo  khasaare geystay.

Gaari nooca NOHA loo yaqaan ayaa la sheegay inuu ku rogmaday halkaasi,  kaasi oo si xowli ah ku socday, waxaana halkaasi ku dhaawacmay Labo ruux, iyadoo sidoo kale uu burburay gaarigii, waxaana badbaaday dadkii kale ee gaariga saarnaa.

Guddoomiye ku xigeenka degmadaasi Cabdirisaq Axmed Jaamac oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in shilalka sidan oo kale ah ay kusoo bateen degmadaasi, isaga oo tilmaamay in waddooyinka ay burbursan yihiin.

Sidoo kale wuxuu sheegay in gaaarigan rogmaday uu yahay midkii Saddexaad oo sidan oo kale shil ku gala degmada Bandiiradley.

“Gaariga xoog buu ku socday, wadaduna wey burbursan tahay,  kadib waa uu rogmaday, Labo ruux baa si xun ugu dhaawacmay, gaariga dhan wuu burburay, waxyaabaha ugu badan waa in darawallada gaadiidka aysan mas’uuliyad is saarin” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Ugu dambeyn  guddoomiye ku xigeen Cabdirisaq Axmed ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug in dib u dhis ku sameeyaan waddooyina mara degmadaasi si looga badbaado shil dhaca.

Goobjoog News