Shil Sababay Khasaare Hanti Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Gaari nooca xamuulka qaada ayaa lagu soo waramayaa in saakay uu ku fariin goostay xarumo ganacsi iyo goobo la dhigyo gaadiidka oo ku yaalla degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Qof ku sugan halka shilkan uu ka dhacay ayaa u sheegay Goobjoog News in gaariga  uu si lama filaan ah gadaal ugu soo fariin baxsaday, islamarkaana uu burburiyey xarumo ganacsi iyo gaadiid meesha yaallay.

Ma jirto wax khasaare nafeed ah oo halkaasi ka dhashay, waxaana markii uu gaariga fariin baxsanayey halkaasi ku sugnaa dhallinyaro badan, balse waa ay ka kala carareen markii ay arkeen gaari kusoo socda.

Sababta ugu weyn ee gaarigan gadaal ugu soo baxsaday waxaa la sheegayaa inay tahay xamuulka saarnaa oo aad u badnaa iyo meesha oo dalcad yara ahayd.

Shilalka sidan oo kale ah ayaa magaalada Muqdisho ka dhaca, waxaana gaadiidka badi yihiin kuwo soo qaada rar ka tan weyn gaariga.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW