U bood dhigaalka

Shilgaari Oo Ka Dhacay Duleedka Qardho

Sheeko:Dalka, War

Duleedka magaalada Qardho ayaa waxaa ka dhacay shil gaari kaasi oo sababay dhimashada labo qof iyo dhaawaca hal kale.

Gaarigan shilka galay ayaa ka yimid Garoowe waxaa uuna ku sii jeeday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Duqa magaalada Qardho Cabdi Saciid Dheere oo la hadlay Goobjoog News ayaa faafaahin ka bixiyey shilka gaarigan waxaa uuna yiri.

“Shilkaasi waxaa uu ahaa gaari siday  Jaad oo ka yimid dhanka Garoowe waxaana uu shil ku galay Qardho, shilkana waxaa sababay gaariga waxaa uu ka baxay wadada geedna ayuu ku dhacay labo qof ayaa ku dhintay midna waa uu ku dhaawacmay .

Dadka dhintay waa labo wiil iyo mid dhaawac ah waxaana lagu daweynayaa dhaawaca Isbitaalka magaalada, gaariga nuuciisa waxaa uu ahaa Maaked2, waxaa uuna u socday Boosaaso “.

Goobjoog News