U bood dhigaalka

Shir Ay Yeesheen Golaha Wasiirada Oo Looga Hadlay Amniga Guud Ee Dalka

Sheeko:Dalka

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Wasiirka Caddaaladda Mudane C/laahi Axmed Jaamac “Ilka-Jiir, iyadoo kulankan qodobada looga hadlay ay ka mid ahaayeen, Amniga guud ee dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa Golaha uga warbixiyay Amniga guud ee dalka, isagoo xusay in todobaadkii la soo dhaafay xaaladda guud ee dalka ay daganayd isla markaana ay yaraayeen falalka ay nabaddiidku geysanayaan, wuxuna sheegay Wasiirku in la qaaday tallaabooyin looga hortagayo falalka argagixisada.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu ansixiyay qaab Siyaasadeedka Qaran ee Kaalmada Sharci, waxana golaha u soo gudbiyey Wasaaradda Caddaaladda. Qaab Siyaasadeedkani ayaa ka caawin doono bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda liita iyo dumarka in ay helaan galaangalka adeegyada garsoorka dalka.

Ugu danbey, Golaha Wasiirrada ayaa warbixino la xiriirta heshiis ay wada saxiixan doonaan dawladda Qadar iyo Soomaaliya oo la xiriira iskaashiga Caafimaadka ka dhageystay Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed, waxana ay dood kadib, Goluhu ogollaadeen heshiiskaas.

—DHAMAAD—