U bood dhigaalka

Shir Dhaqaale Loogu Uruurinayay Waddamada Geeska Afrika oo Ka Dhacay Dalka Mareykanka

Sheeko:Amniga
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa ka qayb galay shir dhaqaale loogu ururinayey waddamada geeska Africa gaar ahaan Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya oo ay saamayn ku yeelatay abaar ka dhalatay shan xilli roobaad oo baaqday ama aan si wanaagsan u di’in intii Gu’gan ka horreysey, iyo sidoo kale fatahaadda ka dhalatay roobabka Gu’ga oo saameeyey qaar ka mid ah gobolada dalka.
Shirkaan oo ay wadajir u soo agaasimeen dawladaha Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Qatar iyo ururka Qaramada Midoobey u qaabilsan isku dubaridka gargaarka UN-OCHA ayaa wasiirku ka jeediyey khudbad koobeysey saamaynta xaaladahani ku reebeen dadka Soomaaliyeed ee nugul iyo hab nololeedkooda sida Beeraha, Xoolaha iyo dhammaan kaabayashooda nololeed.
Shirkan oo socday muddo kooban ayaa deeq bixiyeyaashu ku ballan qaadeen bixinta gargaar lacageed oo gaaraya 2 bilyan iyo saddex boqol oo malyan oo dollar (USD2.3B) oo loogu talo galay in lagu taageero dadka ay abaaruhu horay u saameeyeen ee Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya.
Goobjoog News