U bood dhigaalka

Shir Dib Loogu Eegayo Mashaariicda Horumarinta Deegaannada Puntland Oo Ka Furmay Garoowe

Sheeko:Dalka

Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa ka furmay shir ballaaran oo dib loogu eegayo mashaariicda horumarinta deegaannada Puntland.

Shirkan ayaa waxa uu ahaa mid dib u eegis loogu sameynayey siyaasadda maamul baahinta deegaannada Puntland, waxaana ka qeybgalay madaxweyne ku xigeenka Puntland, guddoomiyeyaal ka socday degmooyinka uu ka socdo horumarinta ee JPLG iyo hay’adaha qaabilsan mashruucan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland C/laahi Xaashi Qoobdeero ayaa sheegay in loo baahan yahay daadejinta iyo baahinta adeegyada asaasiga ah isaga oo bulshada ugu baaqay in laga faa’ideysto mashruucan.

“Wax badan baan aragnay nin inta iska yimaado dhisto waddooyinkii, umad dhan xanibo, waxaas oo dhan waxay ka mid tahay maamul baahinta” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Saraakiil ka socotay hay’adda UNDP oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ugu baaqay bulshada Puntland inay isku tashadaan ayna ka faa’ideystaan mashaariicdan.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Puntland injineer C/xakiin Xaaji C/laahi Cumar oo shirkaan daahfuray ayaa dhankiisa soo jeediyey aqoonyahannada iyo madaxda ka qeybgashay shirkaasi inay ka faa’ideystaan kuwaa oo laga doonayo qaabkii dib u eegis loogu sameyn lahaa mashruucan oo gabagabo maraya.

Goobjoog News