U bood dhigaalka

Shir Gaar Ah Oo Looga Hadlayo Arrimaha Soomaaliya Oo Maanta Ka Dhacaya New York

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa si wadajir ah waxay maanta u hogaamin doonaan shir gaar ah oo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxda wadamo badan oo caalamka ah, iyadoo arrimaha diiradda lagu saari doono ay ka mid tahay siyaasadda, amniga iyo marxaladda 2016-ka.

Sidoo kale waxaa laga wada hadli doonaa qaabka loo wajahayo dhammaan waxyaabaha hor yaalla Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo waxa uu la qaadan doonaa dhammaan madaxda ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kaasi oo looga hadli doono amniga, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Daa’uud Aweys.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu la kulmi doonaa Boqorka Jordan iyo sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Britten David Cameron.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News