U bood dhigaalka

Shir Heer Wasiir Ah Oo Looga Hortagayo Cudurada Oo Labo Maalin Ka Socda Adis Ababa

Sheeko:Dalka

Wasiirada maaliyadda iyo caafimaadka ee Afrika ayaa arbacdii iyo khamiista waxaa ay ku shirsan yihiin Adis Ababa si ay uga hadlaan ka hortagga cudurada ee Qaaradda Afrika.

Wasiirada ayaa dadaal ku bixinaya sidii loo keeni lahaa hab looga hortago cudurada, iyadoo sida la sheegay ay isku xiran yihiin ka hortagga cudurada iyo horumarka qaaradda.

Qaaradda ayaa ku dadaaleysa sidii loo heli lahaa talaal gaar ahaan curruurta si hoos loogu dhigo geerida ku timaada marka ay yar yihiin.

Ka hortagga waxaa ku jira ayaa la leeyahay faa’iido dhaqaale oo waxaa kor u kacaya wax soo saarka ummaddda marka ay caafimaad qabaan.

Shirkan waxaa jooga khubaro, siyaasiyiin, hey’adaha deeq bixiyeyaasha, iyadoo laga wada hadlayo sidii loo heli lahaa habka ugu haboon ee lagu helayo talaal tayo leh oo looga hortago cudurada.

Shirka waxaa martgelinaya xafiis goboleedyada ururka caafimaadka adduunka ee Afrika iyo Bariga dhexe iyada oo lala kaashanayo ururka midowga Afrika.

Waxyaabaha la doonayo in shirka ay ka soo baxaan waxaa ka mid ah in Talaal fiican la helo, in wax badan laga qabto caafimaadka carruurta.