U bood dhigaalka

Shir Ka Dhacay Nairobi Oo Baaq Nabadeed Loogu Diray Beello Ku Dagaallamay Sool

Sheeko:Dalka

 

Shir ay ka qeybgaleen Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda degaanaada maamulka khaatumo, siyaasiyiin, aqoonyahanno, waxgarad, Haween iyo guud ahaan jaaliyadda Khaatumo ee ku dhaqan bariga Afrika ayaa ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulankan ayaa looga hadlay sidii loo joojin lahaa dagaal beeleedyada ka soconaya Konfurta gobolka Sool, waxaana kasoo baxay, bayaan horudhac ah oo laga soo saaray shirka waxaana loogu baaqay dhinacyada dagaallamaya in dagaalka ay joojiyaan colaadana ay ku bedalaan wadahadal iyo nabad.

War-murtiyeed kooban oo shirkaasi laga soo saaray ayaa lagu yiri.

“Shirka wadatashiga khaatumo waxa uu ugu  baaqayaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhawaan ku dhex martay koonfurta gobolka Sool in ay joojiyaan dagaallada gobolka ee aan labada dhinac midnaba aan wax faa’ido ah uga soo kordheyn, shirku waxa uu bogaadinayaa dadaallada nabadeed ee ay gacanta ku hayaan odayaasha, waxgaradka ee mudada fadhiyey magaalada Dhumay, islamarkaana wuxuu shirku ku baaqayaa in ciddii nabadda diidda dhinac looga soo wada jeesto, kasoo qeybgalayaasha shirku waxay ku baaqayaan in loo wada guntado sidii loo soo afjari lahaa dhamaan colaadaha ka taagan Sool, Sanaag iyo Cayn, Shirku wuxuu ka digayaa in colaadaha halkaa ka dhalata wax u dhimeyso, waxna aaney ka tarayn nabad waarta oo ka dhex dhalata beelaha daga gobolka Sanaag, waxa uu shirku hoosta ka xarriiqayaa in aan loo baahneyn colaad kasii jiidanta degaanada dadkaasi ay wada dagaan”.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dagaallo ay ka oognaayeen koonfurta gobolka Sool oo illaa hadda soda, waxaana isasoo taraya baaqyada ku aaddan sidii dagaalladaasi loo joojin lahaa oo ka imaanaya qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Goobjoog News