U bood dhigaalka

Shir Ka Dhan Ah Somaliland Oo Ka Furmaya Sanaag

Sheeko:Dalka

Wararka ka imanaaya magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo diyaar garow xooggan, kaasi oo ku aaddan shir looga hadli doono aayaha gobolkaasi, kana dhan ah Somaliland.

Shirkan waxaa ka qeybgali doona wasiirro, xildhibaanno Puntland ah iyo sidoo kale qeybaha kala duwan bulshada ee gobolka Sanaag.

Waxaa shirkan loogu magacdaray midinimad iyo aaya ka talinta gobolka Sanaag, xilli maalmahan dambe gobolkaasi laga soo sheegayey xiisado u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

Waxaradka leh abaabulka shirkan ayaa sheegay in ay ka tashan doonaan aayahooda, kana fogaanayaan kala geynta umadda Soomaaliyeed.

Dhowaan ayeey ahayd markii ciidamo Somaliland ah ay dhanka Puntland kusoo biireen, kuwaasi oo kasoo jeeda gobolka Sanaag.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News