U bood dhigaalka

Shir-ka Ururka Iskaashiga Islaamka Oo Ka Dhacaya Istanbul

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada magaalada Istanbul ka furmaya shirka Ururka Iskaashiga Islaamka kaas oo loogu hiilinayo magaalada barakeysan ee Qudus.

Shirka waxaa ka qeyb-galaya madaxda dunida muslimka, iyaga oo la filayo in ay ka jawaabaan go’aankii Trump uu ugu aqoonsaday Qudus Caasimadda Isra’il.

Ururkan oo ka kooban 57 dal ayaa horay go’aanka Trump ugu yeeray mid sharci-darro ah, waxaana shir degdeg ah isugu wacay guddoomiyaha xilligan ee ururka Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka mid ah madaxda shirka joogta, waana tilaabo la filayo in Soomaaliya ay ku cabirto carada ay ka qabto go’aankaas.

Goobjoog News