U bood dhigaalka

Shir Ku Saabsan Hannaanka Loo Marayo Dhismaha Dowladaha Hoose Oo Lagu Qabtay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka waxaa lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayey hannaanka dhismaha dowladaha Hoose ee dalka, kaasi oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah maamul gobaleedyada dalka ka jira, maamullada Gobalka Banaadir, Sh/dhexe, Hiiraan iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Waxaa shirkaan oo furmay 15-ka bishaan soo qaban qaabisay wasaardda arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya, iyadoona maalmihii uu socday looga hadlay dhismaha hannaanka qaran ee dowladaha hoose.

Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in shirkaan uu qaab wanaagsan ku socday, islamarkaana Sabtida Berri ah lasoo xiri doono, shalayna uu dhamaaday falanqeynta qodobadii shirka ku saabsanaa.

Waxa uu tilmaamay in ergada ka qeybgaleysay shirka ay falanqeeyeen arrimahan ku aadan dhismaha dowladaha hoose iyo sidoo kale qabyo qoraal ay sameysay wasaaradda oo ku saabsan hannaanka la mari doono hadii la doonayo in maamul laga sameeyo mid ka mid ah degmooyinka dalka, kaasi oo Shan tiir ka kooban.

Shirkan waxaan ka qeybgalin maamulka Jubbaland oo xubnihii ka qeybgalayey markii ay Muqdisho yimaadeen la sheegay inay diideen ka qeybgalka Shirkaasi, waxaana xoghayaha uu arrinkaasi ku sheegay inay aad uga xun yihiin.

Dhammaan dhinacyadii ka qeybgalay shirkaan waxay dhiibteen Aragtidooda ku aadan dhismaha dowladaha hoose iyo sidoo kale sida shacabka loo gaarsiin karo dowladnimada.

Goobjoog News