U bood dhigaalka

Shir Ku Saabsan Maalgashiga Iyo Horumarinta Ganacsiga Soomaalida Oo Ka Furmaya Nairobi

Sheeko:Dalka

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya uu ka furmo shir looga hadlayo maalgashiga iyo horumarinta ganacsiga Soomaaalida.

waxaa shirkan ka qaybgalaya ku dhowaad 300 oo qof kuwaas oo isugu jira ganacsato iyo shirkaddo ajaanib ah, waxaana ahmiyadda laga leeyahay ay tahay sidii looga hadli lahaa maalgashiga iyo horumarinta ganacsiga Soomaalida.

Ka qaybgalayaasha ugu badani ee shirkan waxay ka imaanayaan wadamadda Africa waxaana sidoo kale shirkan ka qaybgali doona xubno sare oo ka tirsan Dowladda Kenya kuwaas oo isugu jira wasiiro iy , xildhibaanno iyo Saraakiil Boolis.

Axmed Maxamed oo ah Madaxa qaban qabiyaha shirkan oo la hadlay  idaacadda ganacsiga dalka ee Goobjoog Business ayaa sheegay in shirkani uu yahay mid qiimo u leh Soomaalida .

“Ganacsatada waxay ka imaanayaa shirkado badan sida Dahabshiil, Safaricom iyo shirkado kale oo waaweyn, qaarna Soomaali leeyihiin, qaarna ajaaniib, madax badanna waa ay ka qeybgeli doonaan”

waa uu sii hadlay Axmed Maxamed wuxuuna sheegay hadafka fog  ee shirkan laga leeyahay uu yahay sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa dalka Soomaaliya islamarkaasna loo maalgelin lahaaa .

“Qabanqaabada shirkan muddo Lix bil ah buu soo socdey, waxaana suurtageliyey shirkadaha aan soo sheegay oo qeybweyn ka qaatey, waxaana kaalinta ugu xooggan qaatey shirkadaha Soomaalida ee dalkan Kenya, muhiimaduna waa maalgelin iyo horumarin ganacsi”

Soomaali badan ayaa ganacsi ku leh dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi, iyadoo marar badan sidan oo kale halkaasi loogu qabtey shirarar looga hadlayo aayaha ganacsiga Soomaalida ku sugan Kenya.

Goobjoog News