U bood dhigaalka

Shir Labo Maalin Ah Oo Looga Hadlayo Maalgelinta Tamarta oo Muqdisho ka furmay

Sheeko:Dalka

Madasha loogu magac daray tamarta-waarta ee dalka oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha ee Dowlada Soomoaliya oo kaashanaysa hey’adda Qaramada Mioobay u qaalisal horumarinta Mashaariicda ee UNDP ayaa maanta lagu qabtay Musdisho

Ujeedada shirkan 2bada maalin ah ayaa ah sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ku hor gudban  in maalgashi lagu sameeyo tamarta dalka Soomaaliya

Furitaanka shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka howlaha guud Mudane Saadiq, C/llaahi Cabdi Wakiilka Qm Micheal keating iyo xubnaha labada aqal gaar ahaan gudiyada dhanka Khayraadka,ganacsato iyo Wasiirada kale ee Dowlada Goboleedyada.

Shirkan oo socon doono muddo  labo maalmood ah ayaa inta uu socdo lagu lafagurayaa sida ugu sahlan ee loo maalgelinkaro Tamarta Dalka uu leeyahay,iyadoo sidoo kale ay goob joog ka yihiin qubaro ka socoda QM ee dhinaca khayraadka.

Goobjoog News