U bood dhigaalka

Shir Lagaga Hadlayo Isgaarsiinta Dalka Oo Ka Socda Kismaayo

Sheeko:Dalka

Maalintii Seddexaad waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ka soconaya shir ballaaran oo loogahadlayo Hindise sharciyeedka xeerka Isgaarsiinta dalka.

Shirkan waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka socota wasaaradaha isgaarsiinta dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada marka laga reebo maamulka Puntland.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya C/laahi Bile Nuur ayaa sheegay in shirkaan uu yahay mid aad u muhiim ah, islamarkaana waxa uu Jubbaland uga mahadceliyey sida shirkan ay u martigelisay.

“Shirkaan wuxuu dabajoogaa shir aan horey u qabsannay, waxaan rajeyneynaa in waxbadan oo osbedal ah keenno, waxaan ka wada tashaneynaa Isgaarsiinta dalka” ayuu yiri C/laahi Bile.

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa hannaan isgaarsiin oo uu dalka yeesho.

Goobjoog News