U bood dhigaalka

Shir lagu diyaarinayo Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga ee Dib u Eegista Dastuurka Oo Ka Socda Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa Muqdisho ka furay shir afar maalin socon doona oo lagu diyaarinayo Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga, Wacyigelinta Dadweynaha, iyo Latashiyada Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS, madax katirsan DFS, madax ka socotay Wasaaradaha Dastuurka ee dawlad goboleedyada, iyo dhamaan Ururada Bulshada Rayidka ee ka jira dawlad goboleedyada ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Cabdi Xoosh oo mahadcelin u jeediyay dhamaan ka qaybgalayaasha.

“Maanta waxaa farxad weyn inoo ah Wasaarad ahaan in aan kulankan ka furno Muqdisho oo lagu diyaarin doono Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka, waan karnay aniga iyo shaqaalaha Wasaaradda inaan diyaarino Istiraatiijiyadda, balse waxa aan ka doorbidnay in Dawlad Goboleedyada iyo Buslahada Rayidka talooyinkooda ku dhisanto Istiraatiijiyadda, waana idinkaga mahadcelinayaa ka soo qaybgalka wanaagsan” ayuu yiri AVV Xoosh.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa ka codsaday dhamaan ka qaybgalayaasha in ay fikradahooda soo bandhigaan oo ay soo saaraan Istiraatiijiyad wanaagsan oo lagu hawlgeli karo.

—–DHAMAAD—–