U bood dhigaalka

Shir Lagu Heshiisiinayo Beello Dagaallamay Oo Maanta Ka Furmaya Laascaanood, Sool

Sheeko:Dalka

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Laascaanood ee gobolka Sool uu ka furmo shir nabadeed oo lagu heshiisiinayo beello walaalo ah oo ku dagaallamay gobolkaasi.

Saddexdii maalin ee ugu dambeysay waxaa magaalada Laascaanood gaareyey waxgaradka Beelahan, waxaana shirkaan maanta ka qeybgeli doona wasiiro ka tirsan Somaliland oo dhex dhexaadinta qeyb ka ah.

Wariyaheen Faarax Dubad ayaa soo sheegaya in markaan la doonayo in lasoo afjaro colaaddii ka dhaxeysay beelahan, maadaama muddo Sanad ah ay beelahani dagaallamayeen.

Dagaalladii ka dhacay gobolka Sool waxaa ku dhintay in ka badan 50 ruux iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Waxaa la filayaa in is faham beelihii dagaallamay ah uu shirkaan kasoo baxayo, iyadoo horey loogu guuleystay in xabadda la joojiyo, lana kala qaado maleeshiyaadkii dagaallamay.

Goobjoog News