U bood dhigaalka

Shir Lagu Heshiisiinayo Beelo Walaalo Ah Oo Ka Furmay Deegaanka Cadalle

Sheeko:Amniga

Shir lagu heshiisiinayo beello ku dagaallamay gobolka Shabellaha Dhexe ayaa maanta ka furmay degmada Cadalle ee gobolkaasi.

Cabdulle Cali oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda degmada Cadalle ayaa Goobjoog News u sheegay in shirkan uu yahay midkii ugu dambeeyey ee xal looga gaarayo colaad muddo ka dhaxeysay Beelahan.

Waxaa uu sheegay in Maamulka Hirshabelle uu hadda ku suganyahay deegaanka Cadalle iyaga oo halkaasi u jooga in gogol nabadeed ay kala dhex dhigaan beelo in Mudoo ah halkaasi ku dagaalamayay.

“Deegaanka Cadalle waxaa ka socda shir dib u heshiisiineed hadda waxaan u fadhinnaa gogosha lagu heshiisiinayo beelahaan kuwaasi oo hadda ka hor uu dagaalka ku dhex maray Tuulada burdheere howshaan in Muddo ah ayay soo socotay hadda waxaa lagu guuleystay in la is horyimaado shirkana uu ka furno degmada cadalle”.

Tuulada Burdheere ee u dhow deegaanka Cadallae ee gobolka Sh/dhexe waxaa in Muddo ah ku dagaalamayay labadaan beelo waxaana horay la isku dayay kulamo lagu heshiinayo balse laguma guuleysan .

Maanta ayaa dib looga bilaabay Cadalle shir kale oo nabad lagu dhex dhigayo beelahaan kuwaasi oo in muddo ah ku dagaalamayay Tuulada Burdheere oo ka tirsan Sh/dhexe.

Goobjoog News